U gudub nuxurka ugu muhiimsan

Bitcoin, altcoins, iyo stablecoins: Maxay ku kala duwan yihiin?

5
daqiiqo oo akhris ah
Calaamadaha Bitcoin, Ethereum, iyo Tether oo muujinaya farqiga u dhexeeya lacagahan dhijitaalka ah

Bitcoin uma baahna isbarasho. Waa lacagta Crypto ee asalka ah, taas oo wax walba bilowday. Laakiin dunida crypto halkaas kuma ay istaagin. Kumanaan lacago dhijitaal ah oo cusub ayaa kusoo baxay ganacsiga lacagta Crypto wixii markaas ka dambeeyay, iyadoo mid walba uu la yimid wax ka duwan kuwa kale. Halkan waxaa soo galaya altcoins iyo stablecoins. 

Aan si faahfaahsan u eegno waxa ay yihiin iyo sababta ay muhiim u yihiin.

Altcoins: Tartamayaasha badan ee Bitcoin

Altcoins (oo laga soo gaabiyay “alternative coins”) waxa loola jeedaa dhammaan lacagaha Crypto ee aan ahayn Bitcoin. Altcoin-kii ugu horreeyay waxa uu soo baxay sanadkii 2011, wixii markaas ka dambeeyayna, horumariyayaashu waxa ay soo kordhiyeen horumarin iyo hal-abuur si ay u sameeyaan lacago ka dheereeya, ka jaban, islamarkaana isticmaalka tamartoodu ka yar yahay. Qaar ka mid ah altcoins-ka waxa ay ku shaqeeyaan blockchain-ka Bitcoin, halka kuwa kalena, sida Ethereum, ay leeyihiin shabakado u gaar ah oo loo naqshadeeyay ujeeddooyin kala duwan. Ka fikir heshiisyada is-fuliya iyo barnaamijyada aan maamulka dhexe lahayn.

Altcoins ma kaga ganacsan kartaa Deriv?

Hubaal! Ganacsato badan ayaa altcoins ku jecel isbedbeddelka qiimahooda. Isbeddellada waaweyn ee qiimuhu waxa ay bixin karaan fursado waaweyn, laakiin waxa ay wataan khatar korodhay. Gudaha Deriv, uma baahnid in aad iibsato ama aad yeelato altcoins si aad uga ganacsato. Hadaad ka ganacsanayso CFDs ama aad isticmaalayso multipliers, waxa aad saadaalinaysaa dhaqdhaqaaqa qiimaha. Haddii saadaashaadu sax noqoto, waxa aad helaysaa faa'iido adiga oo aan dhib kala kulmin boorsooyinka ama furayaasha gaarka ah.

Dabcan, khatartu weli waa qayb ka mid ah ganacsiga. Istaraatiijiyad ganacsi oo wanaagsan, qalabka maareynta khatarta sida Stop Loss, iyo falanqayn farsamo oo adag ayaa kaa caawin kara in aad dhinaca badqabka ku sugnaato.

Stablecoins: Dhinaca xasilloon ee crypto

Dhammaan lacagaha Crypto ma aha kuwo qiimahoodu aad isu bedbeddelo. Stablecoins waxa loo naqshadeeyay xasillooni. Qiimahoodu waxa uu ku xiran yahay hanti sida doollarka Maraykanka ama dahabka, inta badanna saamiga 1:1. Tani waxa ay ka dhigan tahay in ay uga nuglaansho yar yihiin isbeddellada xooggan ee qiimaha, waxaana inta badan loo isticmaalaa wax-is-weydaarsiga gudaha dunida crypto.

Si kastaba ha ahaatee, stablecoins khatar kama marna. Burburkii caanka ahaa ee Terra sanadkii 2022 waxa uu caddeeyay in xitaa hantida “xasilloon” ay qiimaheeda ku lumin karto ilbiriqsiyo gudahood. Sidaas darteed, in kasta oo ay ka xasilloonaan karaan Bitcoin ama Ethereum, haddana waxa ay weli wataan khataro u gaar ah.

Stablecoins ma kaga ganacsan kartaa Deriv?

Waxa aad stablecoins kaga ganacsan kartaa Deriv, si la mid ah sida aad altcoins uga ganacsan karto. Maadaama stablecoins ay u dhaqaaqaan si ka deggan lacagaha kale ee crypto, kuma habboona ganacsiga maalinlaha ah sababtoo ah isbedbeddelkooda oo hooseeya. Laakiin xitaa isbeddellada yaryar ee qiimaha waa ay u qalmi karaan haddii aad ku ganacsanayso xajmi weyn ama aad doorbidayso isbedbeddel hooseeya. Intaa waxaa dheer, Deriv waxa ay kuu oggolaanaysaa in aad furato akoon crypto adiga oo isticmaalaya stablecoins, taas oo ka dhigaysa doorasho waxtar u leh ka ganacsiga suuqyada kale sidoo kale.

Quiz

Maxay stablecoins kaga duwan yihiin altcoins?

Su'aalaha badanaa la isweydiiyo

Analyse markets with AI-powered insights

Explore TradersView
WhatsApp