Sababta loogu ganacsado Volatility indices
Volatility Indices waa badeecad maaliyadeed oo casri ah oo ay bixiso Deriv madasha Deriv, taas oo ka dhigaysa doorasho soo jiidasho leh oo loogu talagalay ganacsatada doonaysa in ay si gaar ah uga faa'iidaystaan isbedbeddelka suuqa. Tusmooyinkan ma bixiyaan oo keliya fursad lagu ganacsado dhaqdhaqaaqyada qiimaha ee la ekaysiiyay, balse waxa ay sidoo kale leeyihiin faa'iidooyin dhanka helitaanka, caddaaladda, iyo dabacsanaanta ah oo aanay suuqyada caadiga ahi inta badan la sinmi karin.
Helitaan 24/7 ah oo leh dabacsanaan weyn
Mid ka mid ah sifooyinka ugu mudan ee Volatility Indices waa in la heli karo wakhti kasta. Si ka duwan suuqyo badan oo maaliyadeed oo caadi ah kuwaas oo shaqeeya saacado cayiman gudahood, Volatility Indices waxaa la heli karaa 24/7, 365 maalmood sannadkii. Helitaankan joogtada ahi waxa uu u oggolaanayaa ganacsatada in ay galaan oo ay ka baxaan heshiisyada ganacsi wakhtiga ku habboon, iyada oo aan loo eegin goobta ay joogaan. Natiijo ahaan, ganacsatadu waxa ay ka faa'iidaysan karaan fursadaha ka jira xaaladaha kala duwan ee suuqa, taas oo kor u qaadaysa awooddooda ay si degdeg ah ugaga jawaabaan dhaqdhaqaaqyada iyo isbeddellada qiimaha.
Faa'iidooyinka ugu muhiimsan:
- Xaddidaad wakhti ma jirto: Ganacso saacad kasta oo habeen ama maalin ah, adiga oo waafajinaya jadwalkaaga.
- Helitaan caalami ah: Ka qaybgal ganacsiga meel kasta oo aad adduunka ka joogto, taas oo fududaynaysa maaraynta faylkaaga ganacsiga.
U adkaysiga wax-is-dabamarinta
Faa'iido kale oo weyn oo ay leeyihiin Volatility Indices waxa ay ku jirtaa adkaysigooda dabiiciga ah ee ka dhanka ah wax-is-dabamarinta suuqa. Si ka duwan suuqyada maaliyadeed ee caadiga ah, halkaas oo dalabaadka waaweyni ay leexin karaan qiimaha ama xogta hoose ay kooxo gaar ah siin karto fursad dheeraad ah, Volatility Indices waxa ay bixiyaan garoon siman. Maadaama ay ka badbaadsan yihiin saamaynta caadiga ah ee qalloocin karta suuqyada caadiga ah, ganacsatada gaarka ahi waxa ay u ganacsan karaan iyaga oo aan ka welwelin fursado aan caddaalad ahayn oo ay haystaan ganacsatada waaweyn ama kooxuhu.
Qiimayn caddaalad ah:
- Spreads-ka iibsiga iyo iibinta oo joogto ah: Spreads-ka ku jira Volatility Indices waxa ay ahaanayaan kuwo deggan, taas oo kor u qaadaysa daahfurnaanta kharashaadka ganacsiga isla markaana yaraynaysa hubanti la'aanta ka dhalan karta xaaladaha suuqa ee isbedbeddelaya.
Fursadaha khatarta iyo abaalmarinta ee la habayn karo
Volatility Indices waxa ay bixiyaan fursado kala duwan oo isugu jira khatar iyo abaalmarin, taas oo ka dhigaysa kuwo ku habboon xeeladaha kala duwan ee ganacsiga. Iyada oo ay leeyihiin heer isbedbeddel oo u dhexeeya 10% ilaa 250%, ganacsatadu waxa ay haystaan dabacsanaan ay ku habeeyaan xeeladahooda ganacsiga si ay u waafajiyaan heerka khatarta ay qaadi karaan. Habayntani waxa ay awood u siinaysaa ganacsatada in ay la falgalaan heerka isbedbeddel ee ay doonayaan iyaga oo si waxtar leh u maaraynaya u-baylah-noqoshadooda khatarta.
Xeelado habaysan: xeeladaha ganacsiga
- Heerarka isbedbeddelka oo la hagaajin karo: Iyada oo ku xiran qaabkaaga ganacsi, waxaad dooran kartaa tusmooyin si sax ah ugu habboon heerka u-adkaysigaaga khatarta iyo yoolalkaaga faa'iido.
Gunaanad
Marka la soo koobo, Volatility Indices waxa ay u soo baxayaan sidii aalad ganacsi oo dabacsan, caddaalad ah, oo si joogto ah loo heli karo taas oo kobcin karta faylka ganacsadaha. Iyada oo lagu daray helitaankooda 24/7 ah, adkaysiga ka dhanka ah wax-is-dabamarinta, iyo qaabkooda la habayn karo, tusmooyinkani waxa ay bixiyaan fursad gaar ah oo looga faa'iidaysto isbedbeddelka suuqa. Waxaan kugu dhiirrigelinaynaa in aad sahmiso adduunka xiisaha leh ee Volatility Indices oo aad ka fiirsato in aad ku darto xeeladdaada ganacsiga.
U diyaargarow in aad ogaato waxa ay Volatility Indices kuu qaban karaan!
Quiz
Maxay tahay mid ka mid ah faa'iidooyinka ugu waaweyn ee ka ganacsiga Volatility Indices?
Sidee ayay Volatility Indices isaga caabiyaan wax-is-dabamarinta marka loo eego suuqyada caadiga ah?
Baaxad intee le'eg oo isbedbeddel ah ayay bixiyaan Volatility Indices-ka Deriv?


