Ku bilow ganacsiga Deriv MT5: Sanduuqa Qalabka qaybta 2
Ku soo dhawaada mar kale koorsadeenna ku saabsan Deriv MT5! Casharkan, waxaynu ku sii wadi doonnaa sahminteenna sanduuqa qalabka innaga oo eegayna qaybo dheeraad ah iyo shaqooyinkooda oo muhiim u ah maareynta, la-socodka, iyo dib-u-eegista hawlahaaga ganacsiga. Fahamka sifooyinkan waxay awood kuu siin doontaa inaad gaadho go'aanno ganacsi oo xog-ogaalnimo ku dhisan.
Qaybta U-banbaxa
Qaybta U-banbaxa waxay bixisaa soo-koobidda xaaladda hantida ee dhammaan boosaskaaga furan ee xeeladaha ganacsiga. Faahfaahinta muhiimka ah waxaa ka mid ah:
- Hantida: Waxay soo bandhigtaa magaca lacagta ama qalabka ganacsiga.
- Xajmiga: Waxay tilmaamaysaa wadarta xajmiga boosaskaaga oo cutubyo ah, oo ay ku jirto saamaynta Leverage-ka.
- Sicirka: Waxay muujisaa sicirka sarrifka ee qalabka ganacsiga marka loo eego lacagta dhigaalka ee akoonkaaga.
- USD: Waxay muujisaa cadadka lagu isticmaalay lacagta dhigaalka akoonkaaga, iyada oo aan lagu darin Leverage.
- Garaafka: Waxay bixisaa muuqaal muujinaya boosaskaaga oo ku salaysan lacagta dhigaalka, iyada oo boosaska dhaadheer ku muujinaysa tiirar buluug ah, boosaska gaagaabanna tiirar casaan ah.
Qaybta Taariikhda
Marka xigta, waxaynu haysannaa Qaybta Taariikhda, taas oo la socota hawlahaaga ganacsiga. Qaybtani waxay diiwaangelisaa dhammaan boosaska xidhmay, dalabaadka la joojiyay, iyo dhigaal ama lacag-labixid kasta. Waxaad habaysan kartaa muuqaalka adiga oo dooranaya muddooyin gaar ah ama adeegsanaya miirayaal kala duwan si aad u hesho dulmar faahfaahsan oo ku saabsan taariikhdaada ganacsiga.
Intaa waxaa dheer, waxaad soo dejisan kartaa warbixinta akoonkaaga oo aad u kaydsan kartaa fayl HTML ama XML ah si aad u falanqayso markaad khadka ka maqan tahay. Sifadani waxay kaa caawinaysaa inaad la socoto waxqabadkaaga oo aad qiimayso xeeladahaaga ganacsiga muddo ka dib.
Qaybta Wararka
Qaybta Wararka waxay bixisaa warar maaliyadeed oo muhiim ah iyo cusboonaysiinta suuqa oo ka imanaya ilo kala duwan. Inaad la socoto dhacdooyinka suuqa iyo horumarrada dhaqaalaha waa arrin aad muhiim u ah maadaama qodobbadani ay si weyn u saamayn karaan xeeladahaaga iyo go'aannadaada ganacsiga.
Qaybta Sanduuqa Fariimaha
Qaybta Sanduuqa Fariimaha, waxaad ka heli doontaa fariimo iyo ogeysiisyo muhiim ah oo ka socda kooxda Deriv, oo ay ku jiraan wargelino iyo cusboonaysiinno la xidhiidha akoonkaaga ganacsiga. Hubinta joogtada ah ee sanduuqa fariimahaaga waxay xaqiijinaysaa inaad ka warqabto isbeddel kasta oo saamayn kara khibraddaada ganacsiga.
Qaybta Kalandarka
Qaybta Kalandarka waxay leedahay kalandar dhaqaale oo dhammaystiran oo soo bandhigaya dhacdooyinka soo socda iyo xogaha la shaacin doono. Dhacdo kasta waxaa ku jira macluumaad sida taariikhdeeda, waqtigeeda, dalka, iyo saamaynta suuqa ee la filayo, taas oo ka dhigaysa qalab aad u qiimo badan oo lagu sameeyo falanqaynta aasaasiga ah laguna diyaargaroobo dhaqdhaqaaqyada suuqa.
Qaybta Digniinaha
Qaybta Digniinaha waxay kuu oggolaanaysaa inaad dejiso ogeysiisyo ku saabsan xaalado ganacsi oo gaar ah ama dhacdooyinka suuqa. Waxaad abuuri kartaa digniino adiga oo badhanka midig ku dhufanaya qaybta Digniinaha ka dibna dooranaya “Abuur.” Sifadani waxay kaa caawinaysaa inaad la socoto heerarka qiimaha ee muhiimka ah ama isbeddellada suuqa adiga oo aan u baahnayn inaad si joogto ah u ilaaliso madasha.
Markaad abuurayso digniin, waxaad cayimaysaa shuruudaha ay ku kici doonto, sida qiimaha dalabka ama qiimaha iibka ama xajmiga ganacsiga. Intaa waxaa dheer, waxaad dooran kartaa habka aad jeclaan lahayd inaad ku hesho digniinaha, hadday tahay ogeysiisyo cod ah, iimayllo, ama digniinaha moobilka.
Tusaale: Haddii aad isha ku hayso lammaane lacageed oo gaar ah oo aad rabto in lagu ogeysiiyo marka qiimuhu gaadho heer cayiman, waxaad dejin kartaa digniin, taas oo xaqiijinaysa inaadan marnaba seegin fursad ganacsi oo muhiim ah.
Gebogebo
Casharkan, waxaynu ku sahminnay qaybaha kala duwan ee ku jira sanduuqa qalabka ee Deriv MT5, oo ay ku jiraan qaybaha U-banbaxa, Taariikhda, Wararka, Sanduuqa Fariimaha, Kalandarka, iyo Digniinaha. Fahamka sifooyinkan waa lagama maarmaan si aad si waxtar leh ugu maamusho ugana warhayso hawlahaaga ganacsiga.
Aqoontan awgeed, waxaad si fiican ugu qalabaysnaan doontaa inaad si kalsooni leh ugu dhex socoto madasha Deriv MT5. Casharka xiga, waxaynu kugu hagi doonnaa tallaabooyinka wax-ku-oolka ah ee lagu furayo ganacsi gudaha Deriv MT5, innaga oo xaqiijinayna inaad dareento diyaargarow aad ku fuliso xeeladahaaga. Ganacsi wacan!
Quiz
Xog noocee ah ayuu soo koobaa Exposure Tab-ku?
Waa maxay ujeeddada qaybta Taariikhda ee Deriv MT5?
Sideed ugu dejin kartaa digniino gudaha Deriv MT5?


